Qarax saakay ka dhacay Baladweyne

Qarax ayaa saakay lagula beegsaday magaalada ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid meel duleedka ka ah magaalada.

Sida ay wararku sheegayaan qaraxa oo dhacay saakay 6:00 subaxnimo waxaa uu sababay qasaaro soo gaaray ciidamada Itoobiya iyo dad rayid ah inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn tirada ku waxyeelowday.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in xaaladu ay qasantahay ciidamada Itoobiyaankana howlgalo ka wadaan halki uu qaraxa ka dhacay.

“Abaarihi 6:00 ayaa waxaa magaalada Galbeedkeeda ka dhacay qarax aan caadi aehyn waxaana lala beegsaday ciidamada Itoobiyaanka oo markaasi ka yimid duleedka magaalada,” ayuu yiri.

Magaalada Baladweyne ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee qaraxyada lagula eegto ciidamada Itoobiya oo saldhig weyn ku leh halkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.