Qarax saakay ka dhacay Baladweyne

Hal ruux ayaa ku dhintay kadib qarax saakay aroorti ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa lala eegtay ciidamo Itoobiyaan ah oo jidka laamiga ah ku lugeynayey, kuwaasi oo u socday biyo dhaamin sida ay sheegeen dad marqaati.

Ciidamada Itoobiyaanka oo aanan la ogeyn qasaaraha kasoo gaaray qaraxa ayaa rasaas u firay afarta jiho taasi oo keentay in hal ruux oo ka mid ahaa dadka wadada marayey uu ku geeriyoodo.

Xaalada ayaa haatan dagan waxaana goobta baaritaano ka sameeyey ciidamo Soomaali ah oo ka mid ah kuwa maamulka gobolka Hiiraan.

Ma ahan marki ugu horeeysay oo qarax sidaan oo kale ah lagula eegto magaalada Baladweyne dhexdiisa ciidamo Itoobiyaan ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here