Qarax saakay ciidamo Itoobiyaan ah lagula eegtay magaalada Baladweyne

Qarax sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay magaalada Baladweyne lagula beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah.

Qaraxa oo loo adeegsaday miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa lagu qarxiyey ciidamo ku lugeynayey wadada u dhaxeysa xaafadaha Ajabka iyo Buundada.

Sida ay sheegayaan goob joogayaasha, qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas fara badan furay ciidamada Itoobiyaanka, kuwaasi oo la xaqiijiyey in ay kaga dhinteen askar aanan tiradooda la cayimin.

Qaar ka mid ah dadka xaafada Ajabka oo aan la xiriirnay ayaa sheegaya in xaafada ay xirantahay isla markaana aanan jirin gaadiid soo galaya iyo kuwo ka baxaya.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay maalin kadib marki ay ciidamada Itoobiya ka qafiifiyeen dadka reer Baladweyne bandoow iyo cadaadiski ay saari jireen.

Tan iyo marki ay soo galeen Baladweyne maalinti ugu danbeysay ee sanadki 2011, waxaa jiray qaraxyo lala beegsanayey oo uu ugu weynaa qarax ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday dhamaadbi bishi hore.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.