Qarax ruxay Beirut iyo sarkaal lagu dilay

Maxadi Hey’ada Muqaabaraadka dalka Lebanon ayaa ku dhintay qarax loo adeegsaday baabuur oo Jimcihi ka dhacay magaalada caasimada ah ee Beyruut.

Wissam al-Hassan ayaa ka mid ahaa sideed ruux oo ku geeriyooday weerarkaasi, ninkaan ayaa aad ugu dhawaa hogaamiyaaha mucaaradka Sacad Hariri kaasi oo si weyn u naqdiya siyaasada dalka ay jaarka yihiin ee Syria.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay daraasiin dad ah qaraxaasi, markiiba waxaa Mr Hariri wuxuu eeda qaraxa dusha uga tuuray Suuriya, halka dowlada Dimishiq ay iyada qudheeda cambaareysay weerarkaasi.

Qalalaasaha dalka Lubnaan ayaa sii xoogeysanaya taasi oo ah natiijada ka dhalatay colaada ka aloosan dalka Syria.

Bulshooyinka Diiniga ah ee dalka Lubnaan ayaa u kala jabsan kuwo taageersan Dowlada uu maamulo madaxweyne Bashar al-Assad ee Syria, kuwaasi waa Shiicada, halka dadka Sunniga ah ee Lubnaan ay si aad ah ula jiraan mucaaradka Sunniga ah.

Mr Hassan, oo ahaa madaxa Sirdoonka Lubnaan waxaa loo aqoonsanaa nin si aad ah u mucaarada Syria.

Wuxuu madax ka ahaa baaritaanka qaraxi sanadki 2005 lagu dilay Rafiq Al Hariri hogaamiyihi hore ee Lubnaan, qaraxaasi waxaa lagu eedeeyaa Dowlada Syria.

Qaraxa waxa kale oo cambaareeyey Kooxda Shiicada ah ee Hezbollah oo aad ugu dhaw Dowlada Syria.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here