Qarax qasaaro geystay oo xalay ka dhacay deegaanka Kalabeyr

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhaawacantay kadib marki qarax lagu weeraray fariisin ay ciidamo taabacsan dowlada ku leeyihiin deegaanka Kalbeyr ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa miino la dhigay meel aanan ka fogeyn goob ay lacago sharci darro ah gaadiidka uga qaadaan maleeshiyada taabacsan dowlada KMG ee ku sugan Kalabeyr ayaanan la ogeyn cida dhigtay.

Shanta ruux ee dhaawacantay ayaa waxaa ka mid ah horjoogihi goobtaasi leejada lagu qaado oo lagu magacaabo Maxamed Jiis.

Ma jiro wax war ah oo ksaoo baxay maleeshiyaadka ku sugan gobolka Hiiraan ee taabacsan dowlada KMG Soomaaliya.

Kalabeyr ayaa waxaa uu fariisin u yahay ciidamado kasoo jeedo gobolka Hiiraan oo taabacsan dowlada KMG Soomaaliya kuwaasi oo mararka qaar dagaal ku dhexmaro halkaasi iyaga iyo Al Shabab.