Qarax qasaaro geystay oo goor dhoweyd kadhacay degamada Hiliwaa

Wararka ka imaanaya degmada Hilwaa ee gobalka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan oo khasaaro geestay.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaan uu ka dhacay Suuqa Daryeel ee degmadaasi Hilwaa, waxaana uu ahaa qarax miino oo dhulka lagu aasay.

Gudoomiyaha degmada Hilwaa Cumar Jacfaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxaan uu ahaa miino dhulka lagu aasay isla markaana ay ku qaraxday labo nin oo ahaa kuwii aasayay qaraxaas.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin wax kale oo khasaaro ah oo ka dhashay qaraxaan oo soo gaaray dadka rayid ah ee ka ag dhowaa halkaasi.

Maamulka Degmada ayaa wuxuu intaasi uu ku soo daray in dhowaan ay saxaafada u soo bandhigi doonaan laba ruux ee miinada aasayay oo ay ku qaraxday Maydkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here