Qarax qasaare geystey oo ka dhacay suuq ku yaal magaalada Baydhabo

Qarax xoog leh oo ka dhacay bartamaha suuqa magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku dhintey 12 ruux halka soddon kalana ay  ku dhaawacmeen.

Qaraxan ayaa ahaa miino lagu soo ridey bac oo la dhigey meel u dhow kawaanka suuqa magaalada Baydhabo.

Qaraxan ayaa ahaa kii labaad ee toddobaadkan dhacay iyadoo toddobaadkii hore qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa uu isku qarxiyey tiyaatarka magaalada Muqdisho.

Miinadan lagu qarxiyey suuqa magaalada Baydhabo ayaa noqonayaa kii ugu waxyeelada badnaa tan iyo markii ay ciidamada dowlada oo ay taageerayaan kuwa Ethiopia ay qabsadeen magaalada Baydhabo oo magaalada Muqdisho u jirta 250km.

Qaraxan ayaa waxaa sheegtay ururka Alshabaab iyadoo afhayeenka ururka Alshabaab C/siis Abuu Muscab uu sheegay inay ku dileen ciidamo Soomali ah iyo kuwo Ethiopian ah. Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ciidamada dowlada ay rasaas ay ku fureen dadkii suuqa ku sugnaa.

Hase yeeshee dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in hal askari uu ku dhaawacmay qaraxan dadka kalana ay ahaayeen dad rayid ah,

Guddoomiyaha gobolka Bay C/fatax Ibrahin ayaa sheegay in ay qabteen labo ruux oo kala ahaa mid dhigey miinada suuqa gudihiisa iyo mid kale oo waday remotkii lagu qarxiyey miinada. Guddoomiyaha waxa uu intaa ku daray in ay maxkamad soo taagi doonaan labadaa nin ee ay qabteen.