Qarax qasaare geystey oo caawa ka dhacay isgoyska Bar Ubax magaalada Muqdisho

Weerar bambaano oo lagu qaaday saldhig ay ciidamada milatariga ku lahaayeen isgoyska baar ubax ayaa sababay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan bambaano ayaa dhacay xilli dad badan ay ku sugaayeen isgoyska waxaana halkaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Haweeney halkaasi maraysay ayaa ku dhimatay qaraxa halka shan gabdhood ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka ku dhaawacmay la dhigey isbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho.

Sidoo weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay hal askari oo kamid ahaa ciidamadii halkaasi ka howlgalaysay.

Ciidamo badan ayaa soo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay waxaana halkaasi ciidamada ay ka sameeyeen baaritaan ay ku raadinayaan cidda ka dambaysay qaraxan.