Qarax ninki uu sameynayey iyo dad kale ku dhinteen oo ka dhacay degmada H/wadaag

2 ruux ayaa ku dhimatay 5 kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib marki uu qarax ka dhacay guri ku yaala degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa dhacay kadib marki uu qalday nin la sheegay inuu sameynayey, waxaana goobta ku dhintay isaga iyo hooyadi guriga sida uu sheegay afhayeenka booliska.

Afhayeenka Booliska C/laahi Xasan Bariise ayaa tilmaamay in ninkan uu doonayey inuu miinada ku halaago dad badan, balse ay isagii la qaraxday isaga oo intaasi ku daray inuu dhib weyn gaarsiiyey dhamaan dadki daganaa guriga.

Shanta ruux ee dhaawacantay ayaa ahaa reerka guriga, hooyadi way dhimatay aabihi qoyskana waxaa la leeyahay xaaladiisa way liidataa oo waxaa soo gaaray dhaawac halis ah.

Shilkan naxdinta leh oo dhacay galabta ayaa ka mid ah kuwa ugu yaabka badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana booliska ay sheegeen in ninkan walxahan waday uu dhawaan ka yimid degmada Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. inaa lilaahi waa inaa ilaahi raajicuun kuwa ku dhintay allaha u naxariisto kuwa ku dhawacmana ilaah ha u naxariisto

Comments are closed.