Qarax Muqdisho lagula eegtay samafalayaal Turki ah

Qarax loo adeegsaday bamka laga tuuro gacanta ayaa galabta lagu weeraray laba baabuur oo ay la socdeen shaqaalo ka tirsan samafalayaalka dalka Turkiga ee jooga magaalada Muqdisho.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in uu arkay wiil bam ku tuurayo gaadiid laba ah oo ay ka lulanayeen calanka Turkiga kaasi oo marayey inta u dhaxeysa degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.

“Qaraxa wuxuu ka dhacay xerada Afisyooni Suuqa Beerta geeskeeda, bambo gacmeed ayaa wiil dhalinyaro ah oo gacantana buugaag ku watay ayaa waxa uu ku tuuray laba baabuur oo qooqan ah oo ay la socdeen samafalayaal Turki ah,” ayuu yiri.

Ma jirto cid wax  ku noqotay oo ka mid ahaa dadki saarnaa baabuurtaasi, hase yeeshee waxa dhaawac uu kasoo gaaray qof rayid ah oo wadada marayey kaasi oo lagu sheegay nin gaari gacanle ahaa.

Waa marki ugu horeysay oo weerar noocaan oo kale ah loo geysto shaqaalahan Turkiga, inkastoo aysan cidna wax ku noqon weerarkana uu noqday mid dhicisoobay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. What stupid idiot, why would he try to kill the people who came to help fix Mogadishu. I hope they jail him for attempted murder.

Comments are closed.