Qarax miino oo saakay ka dhacay isgoyska Falorenza

Ugu yaraan sadex ruux ayaa ku dhaawacantay kadib qarax miino oo saakay aroorti hore ka dhacay isgoyska Falorenza degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo sida loo maleynayo ahaa miinada laga hago meelaha fog ayaa waxaa ku dhaawacmay haweeneey wadada mareysay iyo laba askari kuwaasi oo dhaawacyadooda loo qaaday xarumaha caafimaadka.

Goobta ayaa waxaa soo gaaray ciidamo booliska ah oo halkaasi xiray, waxaana marki danbe ciidamadu ay u fasaxeen in wadada ay maraan gaadiidka.

Qaraxyada ayaa caadi ka noqday Muqdisho, inkastoo maalmahan laga nastay hadana Al Shabaab ayaa wacad ku martay in ay sameyn doonto qaraxyo ay la beegsaneyso dowlada iyo AMISOM iyo dadka kale ee ay u aragto in ay cadaw ku tahay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.