Qarax miino oo lagu weeraray xerada qaxootiga Ifo

Sadex ruux ayaa ku dhaawacantay kadib marki qarax miino lagu weeraray xerada qaxootiga Ifo gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Qaraxa oo ahaa mid wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxa lala beegsaday gaari ay la socotay gudoomiyaha haweenka ee xerada Isniino Cabdi Cali, waxaana halkaasi ku dhaawacmay sadex ruux oo ay ku jirto Marwa Isniino.

Wararka ayaa sheegaya in xaalada caafimaad ay sadexda ruux ay aad u liidato isla markaana loo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya si loogu dabiibo.

Lama oga cida ka danbeyso qaraxaasi hase yeeshee qaraxyada ayaa kusoo badnayey bilooyinki ugu danbeeyey xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Ifo ee ku yaala gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.