Qarax Miino oo Ciidamada Dowlada Lagula Eegtey Wadada Afgooye

Qarax weyn oo lala beegsaday ciidamda dowlada Soomaaliya kuwaas oo lagula egtay degaanka lambar 50-tan ee gobolka Sh. Hoose.

Dad rayid ah oo halkaas ku sugan  la hadlayWarbaahinta Midnimo.com ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xooggan islamarkaana lala eegtay Ciidamada Dowladda oo ku sugnaaa Deegaanka Lambar 50-tan, iyadoo la sheegay in qaraxaasi uu gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac , inkastoo aan la caddeyn tirada dadaasi.

Askar ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa isku gedaamay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay fureen rasaas xooggan oo lagu kala raacdeynayay  dadka ka ag dhow goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoo intaasi kaddib sameeyay howlgallo baaritaanno ah oo lagu xaqiijinayay ammaanka.

Afgooye oo 30-Km Koofur kaga aadan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa marar ka qaar waxa ka dhaca weerar qorsheysan iyo qaraxyo lala eegto Ciidamada Dowlada Soomaaliya, iyadoo Saraakiisha ay ballan qaadeen inay ka hortaggayaan weerardaasi.

Sikastaba qaraxyadan ayaa ah kuwo isdaba joog oga dhaca wadada u dhaxeeso Muqdisho iyo Afgooye.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here