Qarax miino oo askar ku dhaawacay Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismayo, ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax uu ka dhacay xaafadda Calanley ee magaaladaas.

Ugu yaraan 12 qof oo u ku jiraan askar ka tirsan kuwa dowlada ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ahamiino.

Qaraxa oo ka dhacay meel lagu shaaho ayaa dadka ku dhaawacmay waxay isugu jiraan ciidamada maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo dad rayid ah.

Dhaawacyada waxaa lagu daweynayaa isbitaalka Kismaayo, qaar ka mid ah ayaa la sheegay in dhaawacooda uu yahay mid halis ah.

Dhinaca kale, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgal miino-baaris ah oo ay ka sameeyeen waddada Somali Star ee xaafadda Calanley waxay ku soo saareen miinooyin iyo bambooyin aan qarxin oo hareeraha waddada lagu aasay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here