Qarax miino loo adeegsaday oo ka dhacay maqaayad ku taala Garbahaareey

Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhimatay afar kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib marki qarax loo adeegsaday miino uu ka dhacay maqaayad ay dadku ku badanyihiin oo ku taala Magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Qaraxa oo aheyd miino lagu qariyey meel ka mid ah maqaaxida ayaa markiiba waxa ku qurbaxay sadex ruux oo rayid ah oo goobta raashin ka cunaysay, iyadoo dadka dhaawaca ah ay ku jireen sadex askari oo ka tirsan ciidamada dowlada sida ay sheegeen goob joogayaal.

Ciidamada dowlada ayaa goobta soo buuxiyey iyaga oo u gurmaday dadka dhaawaca ah oo ay ku jirto haweeneey rayid ah oo ka mid ah dadka ku ganacsada tukaamanka u dhaw maqaayada la weeraray.

Ma jirto wali cid sheegatay qarxaasi, waxaana warar iminka soo baxaya ay sheegayaan in qarax kale uu ka dhacay magaalada, inkastoo aanan wali la faah faahinin goobta uu ka dhacay iyo qasaaraha intaba.

Garbahaareey oo ah xarunta gobolka Gedo ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Ahlu Sunna, waxaana dhawaan ka dhacay dagaal qaraar oo dhexmaray ciidanka dowlada iyo Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.