Qarax magaalada Baydhabo Kadhacay

Waxaa daqiiqado kahor kadhacay magalada Baydhabo qarax aad u weyn,warar ku dhow meesha uu qaraxa kadhacay ayaa sheegayaan in dhaawac uu kasoo gaaray askar katirsan ciidamada doowlada KMG.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in weerarka uu kadhacay guri ay daganaayeen qaar katirsan ciidamada Doowlada.

“Qaraxa waxaa kadhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar katirsan ciidamada doowlada” ayuu goob jooge usheegay mid kamid ah idaacadaha ku yaal Magaalada Muqdisho waxa uuna hadalkiisa sii daba dhigay “waxaa ku dhintay 5 katirsan ciidamada doowlada”.

Ciidamada doowlada ayaa durbadiiba waxay hawada ufureen rasaas iyagoo baaritaano kabilaabay hareeraha meesha uu qaraxa kadhacay lamana sheegin ilaa iyo hada qof ay usoo qabteen falkan.

Magaalada Baydhaba waa mid dagan hadda mana jirto ilaa iyo hada war kasoo baxay ciidamadan lala bartilmaameedsaday qaraxan goor dhoweyd kadhacay magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here