Qarax maanta lagu weeraray kaniisad ku taala magaalada Nairobi

Hal ruux ayaa ku dhintay 15 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib marki bambo gacmeed lagu weeraray kaniisad ku taala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Qaraxa oo dhacay goor dhaweyd oo maanta ahaa lala beegsaday Kaniisad ku taala deegaanada ay ku badanyihiin dadka shaqeeya ee magaalada Naiorbi sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan booliska iyo Hey’ada Bisha Cas Kenya.

Sarkaal ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Eric Kiraithe, ayaa xaqiijiyey dhimashada halka ruux, isaga oo sheegay in ay haatan wadaan baaritaano.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay, laakin waa weerarki ugu danbeeyey oo lagu qaadayo dalka Kenya, iyadoo dowladana horay ugu eedeysay Xarakada AL Shabaab ee xarunteedu tahay dalka Soomaaliya kuwaasi oo ka tirsan Al Qaacida.

Bishii March, hal ruux ayaa ku dhintay marki bam lagu weeraray goob ay ku kulmaan dadka Masiixiga ah oo u dhaw magaalada xeebta ah ee Mombasa. daqiiqo kadibna qarax kale ayaa ka dhacay baar ku yaala garoonka muhiimka ah ee Mombasa.

Al Shabaab ayaa weerardaasi ku sifeeyey kuwo ay uga jawaabayaan duulaanka ay ciidamada Kenya ku qaadeen Soomaaliya oo ay ciidamo u direen bishii October.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.