Qarax Maanta Ka Dhacay Baar Liido {Faah-faahin}

Ugu yaraan hal qof ayaa dhimatay 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu maanta baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay meel banaanka ka ah “Baar Liido” oo ku yaal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, maqaayadan qaraxa loo gaystay ayaa waxaa isticmaala dadka qurbo-joogta ah, ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan doowlada Soomaaliya.

Qaasim Maxamed Nuur, oo kamid ah milkiilayaasha maqaayadan oo lahadlayay warbahinta ayaa sheegay in gaari nuuca Runner-ka ah islamarkaasina laga soo buuxiyay walxaha qarxa lasoo dhigay meel Barking ah oo maqaayada iridkeeda ah, waxa uu shegay in markii uu qaraxa dhacay kadib ay baabuurka ka heleen Taleefan yar kaasoo loo maleeynayo inuu yahay kii loo adeegsaday qaraxa.

Qaasim Max’ed Nuur ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid si weyn looga soo shaqeeyey waxaana xusid mudan in qaraxu uu ka dhacay goobta la dhigto baabuurta ee baakunka wuxuuna tilmaamay iney baaritaano ku socdaan waxyaabaha u sahlay in gaarigaasi uu si fudud kusoo dhaafo dhowr goobood oo lagu baaro gaadiidka galaya gudaha Baarka, isagoona intaa raaciyey in gaariga uusan qof ku jirin xiliga uu qarxayey isla markaane laga helay gudaha gaariga qarxay taleefan uu sheegay in loo adeegsaday qarxinta gaariga.

Daqiiqado kadib markii uu qaraxu dhacay ayaa waxaa goobta usoo gurmaday ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom kuwaas oo ka qeyb qaatay daminta holac iyo gubashada 8 gaari oo uu dhibaateeyey qaraxaasi,waxaana xiligan baaritaano ka wada goobta uu qaraxu ka dhacay saraakiisha booliska Soomaaliya iyadoo ay goobta ku suganyihiin saraakiil uu ka mid yahay taliyaha laanta danbibaarista CID-da Janaraal C/laahi Xasan Bariise.

Maqaayada ayaa leh ilaalo baarta dadka soo galaya, waxaana adag in gudaha uu ugalo qof wata hub ama waxyaabaha qarxa, waana meel ay aad isugu tagaan dhalinyarada, ganacsatada, qurbajoogta iyo dadka ka nasanaya howl-maalmeedkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here