Qarax maanta degmada Shibis lagula eegtay ciidamada Amisom

Qarax ayaa maanta lagula eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa la qarxiyey wax yar kadib marki baabuurki ugu danbeeyey ee ciidanka AMISOM oo ahaa kolonyo uu maray sida ay sheegayaan dad goob joog ah.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ee dowlada KMG Soomaaliya Daud Cabdulaahi ayaa sheegay in aysan cidna wax ku noqon marka laga reebo canug yar oo uu firir gacanta ka dhaawacay, waxa kale oo uu sheegay in qaraxa uu dhacay marki ay AMISOM wadada mareen.

“Qasaara waxaa noogu filan dhawaqa qaraxa, laakin hada ma jirto qasaaro uu geystay marka laga reebo canug yar oo firir soo gaaray, goobti waan tagnay waxaana idiin sheegayaa in ciidanka Amisom uusan waxba kasoo gaaray qaraxana wuxuu dhacay marki ay mareen kadib,” ayuu yiri.

Degmada Shibis ayaa ka mid ah deegaanada ugu nabadoon xiligaan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.