Qarax lala eegtay haweenka nadaafada oo ka dhacay Dahrkeenleey

Haweeneey ka mid ah dadka dumarka ka qeybqaato nadaafada wadooyinka ayaa ku dhimatay sadex kalana dhaawac ayaa soo gaaray marki lala eegtay qarax.

Qaraxa oo ka dhacay agagaarka Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeenleey ayaa ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda, waxaana xiliga uu qarxayey lala eegtay haweenkaasi oo la sheegayo in ay arkeen kadibna loo taabtay rimoodka.

Qof goob joog ah ayaa xaqiijiyey dhimashada halka ruux iyo dhaawaca sadexda kale, isaga oo intaasi ku daray qofkaani oo diiday in magaciisa la shaaciyo in ciidamada booliska ay marki danbe soo gaareen goobta.

Sadexda qof ee dhaawacntay ayaa waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka, iyadoo goobtana ay dadki ka agdhawaa ka carareen.

Ciidamada booliska ayaa xiray halka qaraxu ka dhacay, howlgal kooban ayey ka sameeyeen hase yeeshee ma jirin cid ay u qabteen.

Bishi hore ayaa sidaan oo kale loo qarxiyey haweenka nadaafada xilli ay ka shaqeynayeen nadaafada meel u dhaw xaafada Suuq Liif ee degmada Dharkeenleey, waxaa weerarkaasi ku dhintay 4 ruux.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.