Qarax Lagu Weeraray Saldhiga Degmada Marka iyo Khasaaro ka Dhashay

Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in qarax xoogan lagu weeraray saldhiga Degmadaasi.

Qaraxa oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa waxaa lasoo wariyay in ciidamada Dowladda Soomaliya uu kasoo gaaray khasaro kala duwan isalmarkaana kooxaha Bambada tuuray ay ka carareen goobta.

Labo kamid ah askarta Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay qaraxaasi halka sidoo kale hal askaro uu ku dhaawacmay qaraxaasi kuwaasi oo ku sugna xilliga ay dhaawacmayeen gudaha saldhiga Degmada.

Guddoomiyaha Degmada Marka ee Dowladda Soomaaliya Axmed Macalin Cukaash ayaa sheegay in qaraxa uu jiro balse wuxuu daboolay inuu jiro khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa Saldhiga aysan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaaray qaraxaasi balse sida uu sheegay uu ku dhaawacmay kaliya qof shacaba ah oo ka agdhawaa saldhiga Degmada.

Qaraxyda caynkaan oo kale ah ayaa waxaa lagu weeraraa cidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugna Degmada Marka ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here