Qarax lagu weeraray Saldhiga Booliska Boosaaso

boosaasoKoox aan la heyb garan ayaa waxay xalay qarax bambaano ku weerareen Saldhiga Booliska Magaalada Boosaaso oo ciidanka Amaanka Puntland ku howlgalaan.

Qaraxa ayaan la ogeyn khasaaraha kasoo gaaray ciidanka Puntland ee xilligaasi Saldhiga kusugnaa waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas ka dhaceysa agagaarka Saldhiga taasi oo la sheegay in ciidanka ridayeen.

Saraakiisha Laamaha Amniga ee Magaalada Boosaaso ayaa waxa laga sugayaa inay ka warbixiyaan qaraxii bambaano ee xalay lagu weeraray Xarunta Saldhiga Degmada Boosaaso.

Shalay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Siciid Dheere waxa uu saxaafada usheegay inay ka guuleysteen Shabaabkii kusugnaa Gal gala oo wax shabaab hadda kusugneyn Gal gala iyo Gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here