Qarax lagu diyaarinayay Jowhar oo gacanta lagu dhigay

Magaalada Jowhar
Magaalada Jowhar

Laamaha amaanka magaalada Jowhar, ayaa gacanta ku dhigay Qarax loo diyaarinayay in lagu weeraro shirka maamul u samaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, sidoo kale laamaha amaanka waxay qabteen shaqsigii diyaarinayay qaraxaas.

Taliyaha Ciidamada Booliska Shabeelaha Dhexe Khaliif Cabdi Cabdulle, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar, ayaa sheegay in howlgalo laga sameeyay xaafadaha Jowhar, ay ciidamada kusoo qabteen rag ka tirsan Al-shabaab oo ku howlanaa diyaarinta waxyaabaha Qarxa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ragaan hada ay baaritaano ku wadaan laamaha amaanka, marka ay soo idlaatana la horkeeni doono cadaalada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here