Qarax lagu dilay Muqdisho Injineer ushaqeynayey Turkiga

Qarax xoogan ayaa waxa uu galinkii dambe ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo lala eegtay gaari uu la socday Injineer ushaqeynayey Turkiga.

Qaraxa ayaa la sheegay in gaariga uu ku xirnaa waxaana injineerka dhaawac ahaan loogu qaaday Cusbitaalka markii dambena uu geeriyooday.

Marxuumka dhintay waxa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Xuseen (Mufka) waxaana uu ka mid noqonayaa xubno katirsanaa shaqaalaha Turkida oo muqdisho lagu dilay muddo bilo ah gudahooda.

4 COMMENTS

  1. Inaali laahi wa inaa illlahay raajicuun. waa arin aad looga naxo runtii dilka loo geysano dadka wax gal u ah umadda.

    Dowladda waa iney baaritaan rasmi ah ku sameysaa. isla markaana horkeenta cadaaladda dadka kadambeyey dilka inginerka.

    inaa lilaahi wa inaa illahay raajiucun. kula nafsi daa’iqatul mowt.!

  2. Waa ingineerkii 2aad ee la dilo isbuuc gudihiisa. waana nasiib darro runtii ku habsatay dalka, inaan xitaa cadaaladda la hor keeni karin xitaa hal qof (DAMBIILE ) damiirkissa iibsadey.

    waa in la diidaa dambiiyadda noocaan oo kale ah sababtoo, qof aan damiir lahayn ama soomaali ahayn ayaa fal noocaasi ah geysan karo. waxaana xaqiiqo ah iney arintaani lid ku noqoneyso dib-udhiska wadanka. madama dadkii waqtigooda gelinayay iney dalkooda dhisaan ay noloshooda qatar ku jirto.

    Waa in dalka dadka dib u dhigaya la diidaa falalkooda guracan…

    Ma u maleynayo Qof Soomaali ah oo damiirkiisa wadaninimo shaqeynayo inuu fal Guracan oo noocaan oo kale uu u geysano qof kale oo Soomali ah.

    Dowladda waa iney ka shaqeysaa in ISBADAL yimaado.

    Hadaan AMNi joro, Nolol ma jirto…!

  3. DADKII Dalka dhisayayba hadii la dilayo, yaa wax dhisaya oo ka shaqeeynayo dib u kabashada iyo dib udhiska wadanka.

    Dadka dhibkaas geystay, iyo kuwii ka horeyayba- haddii ay la baxsanayaan dambiga ay galeen. Aawe cadaaladda iyo cidii masuulka ka ahayd.?

    Qof dalka u shaqeynaya haddi la waxyeeleeyo, waxaa wax loo dhiban Amniga wadanka iyo Nabadgelyadda.

    Maaha Qof Gacan ku dhiigle ah inuu waqtigaan helo fursad u uku waxyeelo Muwaadin Soomaali ah, oo waxay ahayd in Dadka dhibka wado ay ka dhex soocan yihiin Bulshadda inteeda kale.

    Horumarka iyo Cadaaladda wadanka shaqadeeda ma dhowa..

    Soomaaliyana Alle ayaa u maqan..

    Dowaldda waxaa laga rabey iney shaqadeeda si fiican u qabsato, oo ah iney ilaaaliso NAbadgelyadda Muwaadinka….

    Inte goori goor tahay, dadka dhibka wado ha la xadido, la xakameeyo lana joojiyo Waxyaladda ay u geysanayaan Muwaadiniinta hamigooda aha iney dalkooda ka saaran aafadda jahliga iyo daryeel xumadda.

    Dalka waxaa ku jiro Dad aan runtii la ogeyn doonaya iney dib u dhigaan Shacabka iyo Horumarka WAdanka…

    Laakin waxay ku xiran tahay haddba sidii ay dadka u diidaan Naafeynta ka socota wadanka. mar hadii la waxyeeleynayo Ingirineeraddi rabey iney dhisaan Dalka.

    Fool xumadaan ma sameeyo ilaa qof Damiirkiisa dadnimimo, Islaanimo iyo mid Soomaalinimo Gatey maahane.

    Soomaaliyeey- Hurdada ka kaca oo iska dhiciya dadka doonayo iney idin hagardaameeyaan, idiina diidaan inaan NAbadgelyo waarta ku noolaataan.

    Mahadsanidin.

  4. waxaan garan waayey in sarakiisha aqoonyahanada taqaatiirta ardeyda dhamaan indhihii beeshaan in maalinwalbo la dilo beeshaan hawiye waaxaa ku socdo xaalufin dhinac walbo ah ma ilaashan karaan waxgaradkooda maxaa loo dilaaa yeyse dan ugu jirtaa beelaha kale lama dilo maalin walbo waxaa la dilaa hal ama laba aqoonyahan oo hal beel ah maxaa keeney in ay dayacmaan waxaan filayaa in ay ka dambeeyaan wax ma garato doqomo ah waxaan lee yahay beeeshaan in ay difaacdaan inta u hartey waxgaradka ah
    laba Injineer ayaa laba isbuuc gudahooda la diley yaa diley yaase ka dambeeyo kooxihii diley waa la yaqanaa hala soo qabto waxaa mas.uuliyada leh r/w yuulka wasiirka amnig aoo bedeley ninkii amniga wax badan ka qabtey shanbolooshe wasiirka amniga asagaa ka dambeeyo waa in uu iscasilaa waayo amnigii ayaa faraha ka baxay wuxuuna ku mashquuley siyaasad dulmi ku dhisan ulajeedada waxay tahay ama la rabaa in mogdisho ay ka tagaan nuurka u shidmey waa xaasidnimo waxaan u sheegayaa koooxda dilalaka wado inaysan mogdisho aysan gadaal u noqon in ay horey usocoto mahee waxaad ogaataan in hadii qof la dilo in uu dhasho wiil kale oo bedelo qofkii sida dulmiga loo diley hargeyso iyo garoowe laguma dilo aqoon yahay taqaatiir ama waa xabad sugayaal markey fidnada soo gaarto waayo waxaa la rabaa in wadanka soomaliya la yiraah laga laayo wadaniyiinta, aqoonyahanka, indhihii nolosha

Leave a Reply to dib-u-dhac wyn Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here