Qarax khasaaro Geystay oo lala Beegsaday Ciidamada Dowlada Soomaaliya

Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Dhexe ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa qarax xoogan lagula eegtay Degmada Balcad ee Gobolkaasi.

Dad ku sugan Degmada Balcad ayaa Warbaahinta Midnimo.Com u xaqiijiyay in ciidamada Dowlada qaraxa lagula eegtay Degmadaasi, gaar ahaan Ciidamo ku sugan Bar Kontorool oo ku dhex taala Balcad.

Inta la xaqiijiyay Labo Askari ayaa ku dhimataya, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray askari kale, iyadoo qaraxa xoogiisa laga maqlay Xaafadaha Degmada Balcad.

Wali lama sheegin qaraxa meesha ka dhacay waxa uu ahaa iyo cida ka dambeysay, ciidamada Dowlada ayaa wado baaritaano, iyadoo ay suuragal tahay inay baaritaanka soo galaan Ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanada u dhow Balcad.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here