Qaraxyo Ismiidaamin ah oo Galabta ka Dhacay Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhowayd oo maqribkii ah waxa uu ka dhacay guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay fadhiyeen koox weriyeyaal u badan.

Qaraxyada ayaa ahaa ismiidaamin ay fuliyeen labo qof oo isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana ka dhashay khasaare ballaaran.

Ilaa iyo iminka waxaa la xaqiijiyey in ay qaraxyada ku dhinteen 10-qof, sidoo kale waxa uu dhaawac kasoo gaaray 20-kale oo weriyeyaal u badan.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira weriyeyaal inta badan isugu tegi jiray maqaaxida galabta qaraxu ka dhacay oo lagu magcaabo Villege.

Dadka hadda dhintay ee la xaqiijiyey waxaa kamid ah weriye C/sataar Daahir Sabriye oo ka shaqayn jiray Telefishinka qaranka iyo weriye Liibaan Cali Nuur oo isagana agaa madaxa wararka ee warbaahinta qaranka, sidoo kale waxaa goobta ku ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen weriyeyaal kale oo ka shaqeeya warbaahinta qaranka iyo warbaahinta kale.

Gawaarida gurmadka deg dega ayaa ka daad-gureynaya dhaawacyo badan, waxaana goobta buuxiyay hilbo da’ go’ go’ay oo isugu jira dadkii maqaaxida ku shaah cabayay iyo wariyeyaashii kale

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here