Qarax ka dhacay Yaaqshiid

Hal ruux ayaa ku dhintay lix kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray ka gadaal marki xalay bam lagu tuuray goob ay dadku ku badnaayeen oo ku taala isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo dhacay xalay fiidki ayaa la sheegay in lala damacsanaa askar ka tirsan ciidanka dowlada oo wax ka fadhiyey goob lagu shaaho oo ku taala Fagax.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta tagay ciidamo boolis ah oo baaritaano ka sameeyey inkastoo aysan jirin cid ay usoo qabteen weerarkaasi.

Waa marki labaad oo bambooyin lagu weerarayo isgosyka Fagax ee degmada Yaaqshiid mudo todobaadyo ah gudahood, waxaana ciidanka dowlada ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.