Qarax ka dhacay xero barakac oo ku taala magaalada Muqdisho

Qarax ayaa ka dhacay xerada barakada Siliga Ameerikaanka ee magaalada Muqdisho kaasi oo sababay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca 5 kale.

Qaraxaan oo ahaa miino la dhigay meel ka mid ah xerada ayaa dhacay wax yar kadib marki ay booqdeen halkaasi wafdi ka socday Qaramada Midoobay kuwaasi oo ay la socdeen wariyaal caalami ah.

Dadka dhintay ayaa ahaa dad barakac ah, waxaa sidoo kale ku jira dadka dhaawacmay nin horjeege ah oo si weyn loogaga yaqaano xeradaasi.

Lama oga cida ka danbeyso qaraxaan, waxaase loo maleynayaa in lala damacsanaa in lagu dilo saraakiisha ka socday Qaramada Midoobay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.