Qarax ka dhacay Xaafada Gubta ee Magaalada Muqdisho

Qarax ayaa xalay lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowlada KMG Soomaaliya oo marayey xaafada Gubta oo ka tirsan Degmada Daayniile ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen dhalinyaro bambada gacanta laga tuuro la eeganaya ciidanka Dowlada kuwaasi oo markiiba cararay, waxa kale oo ay sheegeen in ciidamada ay ku jawaabeen rasaas ay meelo kala duwan u rideen.

Rasaari ay fureen ciidanka ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay hal ruux oo rayid ah oo wadada marayey.

Xaafadaha Gubta iyo Ciise Cabi oo ka tirsan degmada Daayniile ayaa ka nabadoonaa qaraxyada inkastoo ay jireen weeraro ay Al Shabab horay halkaasi ugu qaadeen ciidamada Dowlada iyo AMISOM.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here