Qarax ka dhacay Nairobi

Sida wararka naga soo garaya Nairobi sheegayaan ku dhawaad tiro dad ah  ayaa ku dhimatay kadib qarax ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Qaraxaan oo loo adeegsaday bamka gacanta laga tuuro ayaa lala eegtay goob basaska laga raaco xilli ay dadku aad ugu badnaayeen laguna guda jiray waqtiga shaqooyinka la aado.

Wali lama sheegin dadka ku dhintay qaraxa, laakin sarkaal u hadlay booliska Nairobi ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 29 kuwaasi oo lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka.

Lama oga cidka ka danbeysa, laakin ciidamada amaanka ayaa farta ku fiiqaya in ay fuliyeen Al Shabaab oo uu dagaal kala dhaxeeyo dowlada Kenya.

Wixi kusoo kordha ku aqriso wararkeena soo aadan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.