Qarax ka dhacay magaalada Wajeer ee dalka Kenya

5 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib marki bambooyin lagu weeraray maqaayad ku taala magaalada Wajeer gobolka Waqooyibari ee dalka Kenya.

Saraakiisha booliska Wajeer ayaa sheegay in laba bambo gacmeed lagu tuuray maqaayad ay dadku isugu yimaadaan halkaasi oo ay ka dhasheen qasaaraha shan ruux oo uu dhaawac soo gaaray.

Sarkaal xaga caafimaadka ah oo ka tirsan isbitaalka Wajeer ayaa sheegay in hada ay daweynayaan shan ruux dhaawac ah, halka warar saakay soo baxayana ay sheegayaan in qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah ay geeriyoodeen.

Kenya ayaa marti u ah weeraro sil silada ah oo ay fulinayaan kooxo ku huebysan bamb gacmeedyo iyo aaladaha kale ee qarxa, waxaana dhibtan uu ku socday tan iyo bishi October amrkaas oo ay ciidanka Kenya galeen koonfurta Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al Shabaab.

Xukuumada Nairobi waxay ku eedeysay weeraradaan Al Shabaa oo haatan ku biiray ururka Jihaadiga ah ee Al Qaacida, kooxaha weerarada geysta sidoo kale waxay beegsadeen magaalada xeebta ah ee Mombasa.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here