Faah faahin kasoo baxaysa Qarax xalay kadhacay Nairobi

Qof naftiis hure ah oo is qarxiyay ayaa waxa uu dhaawacay 9 qof,kadib markii uu isku qarxiyay saldhig ay ciidamada cirka Kenya kuleeyihiin Nairobi,sarkaal katirsan ciidamada booliska ayaa waxa uu sheegay in weerarkan uu yahay kii ugu horeeyay ee nuucaan oo kale ah tan iyo markii ay ciidamada Kenya gudaha usoo galeen wadanka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxa uu kadhacay xaafada ay soomaalida kubadantahay ee “Islii”, Sarkaal katirsan booliska ayaa sheegay in qofka isqarxiyay uu damacsanaa inuu isku qarxiyo koox ciidamada milatariga katirsan oo kusugnaa saldhiga ciidamada cirka,laakiin dadka dhaawacmay dhamaantood ay ahaayeen Shacab ka ag dhowaa goobta.
Nicholas Kamwende, oo ah sarkaal katirsan hay’ada baarista danbiyada ayaa Reuters u sheegay in qofka isqarxiyay ay aaminsanyihiin inuu ahaa qof jirkiisa kusoo xirxiray waxyaabaha qarxa,doonayayna inuu isku qarxiyo saldhiga ciidamada cirka Kenya ee kuyaal halkaas.

Nicholas Kamwende, ayaa hadalkiisa kusii daray in dadka dhaawacmay ay gaarayaan ilaa 9qof.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa kusoo aadaya waxyar kahor inteeysan Nairobi soo gaarin xoghayaha arimaha dibadda dalka Mareeykanka Hillary Clinton,taasoo ujeedka socdaalkeeda ay koow katahay sidii uu mareeykanka Kenya kala qeyb qaadan lahaay ladagaalanka Kooxaha qalqalka kuhaaya ammaanka Kenya,sidoo kale waxay kala hadli doontaa madaxda Kenya sidii ay doorasho xor ah ugu dhici lahayd,maadaama ay soo dhowdahay doorashada madaxtinimo ee wadankaas.

Clinton ayaa lagu wadaa ineey kasoo kicitanto magaalada Kampala,ee wadanka Uganda,waxayna lakulmi doontaa madaxweynaha wadankaas Mwai Kibaki, kadibna madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif Ahmed.

Masuulyiinta Kenya ayaa weeraradan ku eedeeya Al-shabaabka kadagaalama Soomaaliya xiriirkana laleh Al-qaacida,iyagoo dhowr mar ku goodiyay in Kenya ay ka aar gudsan doonaan,tan iyo markii ay Kenya ku biirtay ladagaalanka Al-shabaab iyo Amisom.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here