Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo

Hal ruux ayaa ku dhintay 3 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki ay miino la qaraxday caruur ku ciyaareysay.

Qaraxa oo ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baydhabo ayaa ka danbeeyey marki caruur yar yar ay soo qaadeen miino iyaga oo ku ciyaaray sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.

Ciidamada saldhiga booliska Baydhabo oo usoo gurmaday qaraxa ayaa geeyey isbitaalka sadexdi caruur ee dhaawaca soo gaaray kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo magaalada Baydhabo.

Waa qaraxi ugu horeeyey ee ka dhaca magaalada Baydhabo tan iyo marki ay ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay qabsadeen 22-ki bishi Febraury.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.