Qarax ka dhacay Kismaayo

Magaalada Kismaayo
Magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaa maanta uu ka dhacay qarax miino.

Sida ay lee yihiin dadka deeganka, qarax ayaa ka dhacay wadada Xaaji Jaamac ee xaafada Faanoole, waxaana lala beegsaday baabuur ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland.

Inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhaawacmay oo dhammaan rayid ahaa, waxaana mid ka mid ah uu ku dhintay Isbitaalka Kismaayo.

Qaraxan ayaa ku soo beegmay maalin uun kaddib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay markii dhawaan xilli habeen ah ku dileen halkaas madixii amniga maamulka KMG ah ee Jubba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here