Qarax ka dhacay Kenya


Wararka ka imaanaya daka Kenya ayaa sheegaya gaari ay la socdeen ciidamo Kenyan ah qarax lagula eegtay xerada Dhadhaab.

Ilaa iyo lix ruux oo isugu jiray boolis iyo rayid ayaa ku dhaawacmay, marki gaari ay la socdeen lagu tuuray bambo sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska.

Sadex ka mid ah waxay ahaayeen saraakiil boolis halka inta kalana lagu sheegay raydi goobta ka ag dhawaa, waxaa ka badbaaday qaraxa shaqaalo samafal oo la socday baabuurka.

Tan iyo bishii October dalka Kenya waxaa lagu dilay 32 ruux oo siyaabo kala duwan ugu dhintay qaraxyo ka dhacay magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Gaarisa iyo Wajeer, weeraradaasi waxaa sheegtay Al Shabaab.

Bishii lasoo dhaafay Kenya waxay aragtay weeraradi ugu qasaaraha badnaa kadib marki kooxo wajiyada soo suubtay ay qaraxyo iyo toogasho ku weerareen laba kaniisadood oo ku yaala magaalada Gaarisa halkaas oo ay ku dileen 17 ruux kuna dhaawaceen in ka badan kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here