Qarax ka dhacay isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho

Qarax miino ayaa saakay ka dhacay isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho kaasi oo sababay qasaara isugu jira dhimasha iyo dhaawac.

Inta la ogyahay hal ruux ayaa ku dhintay 3 kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray qaraxaasi oo sida la sheegay ahaa miinada nooca laga hago rimoodka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in miinada lagu arkay meel u dhaw albaabka maqaayada Al Xarameyn ee ku taala agagaarka Boosteejada baabuurta ee magaalada Jowhar halkaas oo ay fariistaan ciidamo ka tirsan dowlada.

Qaraxa waxa uu dhacay kadib marki uu nin askari ah isku dayey inuu aado xaga miinada, waxaana qofka dhintay lagu sheegay askarigaasi halka kuwa kale ee dhaawaca ahna uu firir ugu tagay meeo fog.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa sidoo kalana lama oga ujeedada inkastoo dadka qaar ay sheegayaan in bartilmaameedka uu ahaa ciidamo goobta fariisto.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.