Qarax ka dhacay Gaalkacyo oo Mas’uul Puntland ku dhaawacmay

Qarax gaarigiisa loogu xiray Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug Farxaan Cali Xaad ayaa wax maanta gelinkii hore lagula beegsaday Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa ayaa waxa ku dhaawacmay Gudoomiye Farxaan Cali Xaad.

Waxa la sheegay qaraxa inuu ka dhacay kasoo horjeedka Xarunta Booliska Gaalkacyo qeybta Maamulka Puntland.

Mas’uulkaasi ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaaray qeybta lugaha iminkana xaaladiisa lagu daweynayo Cusbitaalka Magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here