Qarax ka dhacay Baladweyne

Hal askari ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Galbeedka magaalada Beledweyne duhurnimadi maanta.

Qaraxa oo ahaa miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa la sheegayaa in lala eegtay askar si saf ah ugu socotay wadada dhex marta bartamaha galbeedka magaalada sida ay xaqiijiyeen dad goob joog ah.

Ciidanka Itoobiya ayaa qaraxa kadib furay rasaas taasi oo aanan la ogeyn qasaaraha ay sababtay, waxaana xirmay dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka mudo daqiiqado ah ilaa ay ciidamada kadhaqaaqeen halki lagu weeraray.

Tan iyo marki ay ciidanka Itoobiya qabsadeen magaalada Baladweyne maalinti ugu danbeysay sanadki 2011, waxa jiray qaraxyo lala eeganayey kuwaasi oo ay sheegteen dhamaantood ururka Al Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.