Qarax ka dhacay Baladweyne

Laba qarax ayaa barqadi maanta ka dhacay duleedka iyo bartamaha magaalada Baladweyne.

Qaraxa hore waxa uu ka dhacay meel duleedka ka ah Baladweyne, xilli ay ciidamada Dowlada isku dayayeen in ay soo faagaan miino lagu aasay dhulka taasi oo la sheegay in ay la qaraxday.

Hal askari ayaa ku dintay sadex kalana way ku dhaawacmeen qaraxaasi sida uu xaqiijiyey gudoomiye ku xigeenka maaliyada Cumar Cashara.

Qaraxa labaad waxa uu ka dhacay Xaafada Kooshin waxaase la sheegay inuusan sababin wax qasaara ah, goobta uu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamada dowlada oo howlgalo ka sameeyey.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan qaraxyada, sanadkan oo qura waxa ka dhacay in ka badan 10 qarax.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here