Qarax ka dhacay agagaarka Taree Biyaano

Qarax ayaa saakay ka dhacay agagaarka daarta Taree Biyaano ee magaalada Muqdisho kaasi oo la sheegayo inuusan sababin wax qasaara ah.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joog ah, qaraxa ayaa lagu soo qariyey baabuur kuwa raaxada ah oo saakay aroorti lagu baarkin gareeyey wadada laamiga ah dhinaceeda koonfureed.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ay lagu soo war geliyey baabuurka ka hor inta uusan iskiis u qarxin, iyaga oo intaasi ku daray in dadka oo dhan ay ka leexiyeen goobta si aysan qasaaro u soo gaarin.

Booliska ayaa ku eedeeyey qaraxa Al Shabaab oo lagu bartay qaraxyada noocaasi oo kale.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacayey qaraxyo tan iyo marki ay ka baxeen magaalada Muqdisho bishi August ee sanadki hore.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.