Qarax ka dhacay agagaarka isbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho

Afar ruux ayaa ku dhaawacantay kadib marki uu qarax miino ka dhacay meel u dhaw isbitaalka Madiina ee magaalada Mudisho.

Qaraxa ayaa waxa waday nin dhalinyara ahaa kaasi oo marki uu marayey jidka ag mara isbitaalka ay mar qura miinada la kacday, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ninka waday iyo sadex ruux oo wadada mareysay.

Dhamaan dadkaasi ku dhaawacmay waxaa la dhigay isbitaalka Madiina, sidoo kalana qofki waday lugta si xun uga dhaawacmay ayaa isna lagu dabiibayaa isbitaalka isaga oo si gaar ahna loo ilaalinayo.

Ma cada inuu ka tirsanaa Al Shabab, halka uu miinada u waday iyo faah faahin ku aadan waxa uu ahaa ninkaan.

Qaraxyada noocaani oo kale ah ayaa caan ka ah magaalada Muqdisho, iyadoo horay loo arkay dad badan oo ku dhintay iyaga oo isku dayayey in aasaan miino.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.