Qarax Jidka Wadnaha lagula eegtay ciidamada Dowlada

Laba ruux oo rayid ah ayaa dhintay laba askarina dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib marki bam gacmeedyo xalay lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowlada oo fariisin ku leh Isgoyska Adan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo ay fuliyeen dhalinyaro bambooyn watay oo markiiba goobta ka baxsaday ayaa ciidamada waxaa uga dhaawacmay laba askari, laakin rasaas ay fureen ayaa la sheegay in ay ku dhinteen laba ruux.

Ciidamada ayaa howlgal ay sameeyeen waxay ku qabteen dhalinyaro gaaraya 60 kuwaas oo ay uga shakiyeen in ay lug ku leeyihiin, balse marki danbe iska sii daayey in badan oo ka mid ah.

Dhanka kalana qarax ayaa xalay ka dhacay xaafada 21-ka October ee degmada Waabari marki ciidamo lagu tuuray bambo gacmeed, lama oga qasaaraha ka dhashay bambkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here