Qarax iyo iskahorimaad qasaare geystay oo ka dhacay kontoroolka degmada Afgoye

Wararka ka imanaya magaalada Afgoye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in iskahorimaad hubeysan uu ku dhex maray kontoroolka magaalada Afgoye ciidamo ka wada tirsan dowlada federalka ah.

Iska horimaadkan ayaa sida ay wararku tilmaamayaan waxaa ku dhintey illaa afar ruux oo ka mid ah ciidamadii dagaalku ku dhex maray oo ahaa ciidamada milatariga iyo kuwa nabadsugidda.

Dagaalkan ku dhex maray magaalada Afgoye ciidamada nabadsugida iyo kuwa milatariga ayaa waxaa uu salka ku hayaa gacan ku haynta kontorolka Afgoye iyo dhaqaalaha laga qaado gaadiidka mara wadadaas.

Iskahorimaadkan kadib ayaa waxaa la sheegay in uu qarax ka dhashay miinada dhulka la geliyo uu ka dhacay meel u dhow kontoroolka baar Ismaaciil ee magaalada Afgoye.

Qaraxan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen labo ruux oo rayid ah halka warar kalana ay sheegayaan in qaar kamid ah ciidamada ku sugnaa kontaroolka Bar Ismaacil ay ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here