Qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay magaalada Beledweyne

Wararka ka imanaya  magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiran ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo soo xirtey jaakada waxyaalaha qarxa ay ku jiraan uu xalay iskii u qarxay.

Qofkan  soo xirtey jaakada qaraxa ayaa markii uu qarxay kadib waxaa rasaas furay ciidamada dowlada iyo kuwa kuwa Itoobiyaanka ah ee ku sugnaa meel ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Caga-joof ayaa sheegay in ruuxa qarxay uu dhexda ka gala go’ay, isla markaana uu xirnaa waxyaabaha qarxa.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in wiilkan dhalinyarada ah uu ka yimid xaafadaha ku yaal dhinaca galbeed ee magaalada Beldweyne uuna doonayay in uu dad badan galaafti balse isaga kaliya uu dhintey,

Waxaa uu sheegay in xalay fiidkii ay soo qaadeen jirkiisa oo labo kala noqday, isagoo tilmaamay in baaritaan lagu sameynayo.

Qaraxan ismiidaaminta ah oo uu ku dhintey qofkii doonayay in uu dadka dhexdiisa isku qarxiyo oo fashilma ayaa ah kii labaad muddo toddobaad ah iyadoo dhowaan  magaalada Afgoye uu ku qarxay meel ku dhow xarun ay ciidamada degmada Afgoye ku sugnaayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here