Qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay xildhibaano iyo siyaasiyiin uu ku jiro Axmed C/salaan Adan

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhaweyd lala beegsaday goob ay ku shaahayeen xildhibaano iyo siyaasiyiin booqasho ku maraya gobolka Galguduud oo ku taala magaalada Dhuusamareeb.

Dadka qaraxu waxyeeladu kasoo gaartay waxaa ka mid ah Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar oo dhintay iyo Ra’isulwasaare ku xigeenki hore ee Soomaaliya, Axmed C/salaan Xaaji Aadan iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo aaney wali noo suura galin in aan helno magacyadooda.

Dad ku dhintay qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ku jiro qofki fuliyey iyadoo laga cabsi qabo in dad badan ay ku dhintaan.

Xaalada ayaa wali qasan magaaladana waxaa meel walba jooga ciidamada maamulka Ahlu Sunna.

Wixi kusoo kordhana dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.