Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay koontaroolka laga soo galo Afgooye

Nin ayaa duhurnimadi maanta isku qarxiyey koobtaroolka Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye, halkaas oo uu ka dhacay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa sameeyey qof isku soo rakibay walxaha qarxa kaasi oo beegsaday meel ay ku sugnaayeen ciidamo lagu sheegay milatari la rabay in la geeyo furumaha hore ee ay ciidamada Dowlada ka joogaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowlada ee halkaasi ku sugan ayaa xaqiijiyey qaraxa, waxa kale oo uu sheegay inuu cadeyn karo dhimashada qofka is qarxiyey, balse faah faahinta kale ay dib kasoo sheegi doonaan.

Dhanka kalana, qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, kadib marki guri uu daganaa mas,uul ka tirsan Hey’ada Maxalli ah la dhigay bac walxaha qarxa ay ku jireen.

Qaraxaasi ayaa waxaa uu dhaawac kasoo gaaray nin magaciisa lagu sheegay Maxamuud Axmed oo la dhigay isbitaalka magaalada sida uu xaqiijiyey gudoomiyaha gobolka Bay C/fataax geeseey.

Qaraxyada ayaa kusoo badanaya deegaanada ay la wareegeen ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here