Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Afgooye

Qof naftiis hure ah oo watay baabuur walxaha qarxa ay ka buuxaan ayaa isku qarxiyey koontaroolka Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye halkaas oo saldhig u ah ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Qaraxa oo dhacay xoogaa kadib ayaa ruxay magaalada oo dhan waxaana fuliyey ruux watay gaari kuwa raaxada ah oo ay ka buuxeen miinooyin, waxaase aanan wali la ogeyn qasaaraha.

Dad goob joog ah ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa qarax weyn kadibna ay arkeen qiic hawada isku shareeray iyo rasaas.

Wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.