Qarax Ismiidaamin ah oo Goordhow Lagu Weeraray Hotelka uu Deggan Madaxweynaha Cusub

Qaraxyada oo aan ilaa iyo hadda faah faahin laga hayn khasaaraha ka dhashay ayaa waxaa goordhowayd lala eegtay Hotelka Al Jazeera oo uu magaalada Muqdisho ka deggan yahay Madaxweynahac cusub ee Soomaaliya.

Qaraxyada ayaa waxaa loo badinaayaa in ay ahaayeen kuwo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Waxaa la sheegay in ay qaraxyada ka dhasheen khasaare kala duwan, waxaana jira gaadiid badan oo bur buray kuwaasi oo u badan gaadiidkii waddada maraayey xilliga qaraxyada iyo gawaaridii qaraxyada loo adeegsaday.

Gawaarida waa weyn ee Ciidamada AMISOM ayaa isku gadaamay aga gaarka Hotelka ay qaraxyadu ka dhaceen waxaana la arkaayaa gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaaska oo daabulaaya khasaaraha ka dhashay qaraxyada.

Madaxweynaha ayaa xilliga qaraxyada lala eeganaayey waxa uu kulan la qaadanaayey wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Kenya Moses Wangula.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inuu bad-qaba.
Qaraxyada ayaa ahaa qaraxyo ismiidaamin ah, ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyada.

La soco wixii kasoo kordha qaraxyada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here