Qarax ismiidaamin ah oo goor dhaweyd lagu qaaday Hotelka Muna ee Muqdisho

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa goor dhaweyd lagu qaaday hotelka Muna degmad Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo dhacay wax yar ka hor ayaa la sheegayaa inuu sababay qasaaro nafeed, hase yeeshee wali lama oga tirada ku dhimatay iyo waxa ay yihiin, sidoo kale lama oga cida ka danbeysa.

Hotel Muna ayaa horay waxaa uga dhacay weerar isugu jiray isqarxin iyo toogasho oo ay sameeyeen dagaalyahano ka tirsanaa Al Shabaab mudo iminka laga joogo ku dhawaad sanad iyo badh.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay ku dhawaad 30 ruux oo u badnaa xildhibaano.

Wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.