Qarax ismiidaamin ah oo goor dhaweyd ka dhacay Xamar Weyne

Gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa ayaa goor dhaweyd ku qarxay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhacay meel u dhaw Bacadlihi hore ee Xamar Weyne ayaa waxaa la sheegayaa in uu sababay qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo gaartay dad rayid ah, iyadoo ay soo baxayaan warar kala duwan.

Lama oga cida lala eegtay iyo qaabka ay wax u dhaceen maadaama qaraxu uu dhacay daqiiqado ka hor.

Gaadiidka ambalaasta ayaa la arkayaa oo qaadaya dad dhaawac ah, walina ma jiro warar sugan oo aan halkaasi ka heyno.

Wixi kusoo kordha ka dheeho Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here